VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Lacalmaday - Lyrics

La calmada waxad tahay Cosobkiyo ugbaad kiyo Ku bar baartay caanoo Curdanku aan ku dheerine X2 Alla sida sidaa sida Canabka beeraha X2 Cirka oo hilaacoo waqal Fidiyay caarrada faladhaha Cad ceedaa X2 Qotomida xubnaha iyo Luquntiyo cabaaryaha U eg faraska caynaba Ku calool jeclaadee X2 Ninka calaf ku siiyee Ku caruusa adigoo Gogol kula caweeyaa Cawo iyo Ayaan lee X2 Ku caashaqay cadaray Alla cadareey hay jabinin Cadowgee noqo midaan ku ciil baxo X2 Cawo dhalad waxaad tahay Sida ubax cadaadeed Ama Cadarka oo kale Carfin Iyo udgoon lee X2 Alla sida sida sida Curasho dayreed X2 Cirka oo hilaacoo waqal Fidiyay caarrada faladhaha Cad ceedaha X2 Canbar iyo sidii luul Ama dahabka cayriin Caynadooda leedahee X2 Ninka calaf ku siiyee Ku caruusa adigoo Gogol kula caweeyaa Cawo iyo Ayaan lee X2 Ku caashaqay cadaray Alla cadareey hay jabinin Cadowgee noqo midaan ku ciil baxo X2
Queue is empty
-- / --