Heesta Nafta waan u huri lahaa - Lyrics
Nafta waan u huri lahaa
waana usoo hibeyn lahaa
heedhe waan u dhiman lahaa
hogashoo da'eysaa
anigoo haraad qaba
abaar waan ugu hoyan lahaa
Mise heli karaayee
iskeey baan u harayaa
ninka eey la heysoo
hagarla i ay ku raacdoo
adaan kula hadlaayaa
Heybada iyo quruxdaa
iyo hanaanka wacan
waa hiba allee
Wuxu waa haweenoo
haweena waa caruuroo
markeey hooyga kuu gashoo
oo habeena kuu dhaxdoo
jini baa u heesee
Habaar ii hanbeeysoo
nabad ha'iigu joogtee
wallaaloow ha ciilin
hodan ha iga ciilin
Sharafbaa la huganyahe
hadal yuusan kaa fakan
hiyigeeyga maan galin
Waxii ley horkenaa
Heshiis waan u bahneen
haa waa iska oran lahaa
Wuxu hinaasa ma ahee
waqtigeyga ii sheeg
midka loo hanweenyoo
dartii ley haligayoo
adaan kula hadlaayaa
Habeen dhalat inaad tahay
ee aad habar qabin
la iskuma hayee
Wuxu waa haweenoo
haweena waa caruuroo
markey Caawa hooyataa
Waxyaabo aanan jirin
Hoos looga sheegaa
Habaar ii hanbeysoo
nabad ha'igu joogtee
walaaloow ha ciilin
hodan hayga ciilin