(2)Naftu doqon sanaa
damac waalanaa
waxay doonto beri
kudiri ogaaa
dantu ka adagaaa
durba celin ogaayeeey

(2)Labadeys dardaray dadka
dhibi ogaa labadays dardaray
dadka dhibi ogaaaa

(2)Riziq Eebbe kuu diiday
Kaa durugsanaa
Nimuu duunyo siinaayo
deeqi udhowaaa

(1)Taa waxaa daliil u ah
Haadka samada duuliyo
diinkuba usiman calaf
(2)Midna Caysha daayacan
aanu daal usoo marin
kama helo daleedaa
daleedaaaaa

(2)Sidey Diintu nagu tiri
Dayaxana ha dhaaftee
Dadkaa derejaduu helay
Rabbi kaama daahine
dadaal gaari doontidee
*** *** ***
(2)Naftu doqon sanaa
damac waalanaa
Dabeylaha cirkey
hadba kugu dartaa
durdur kaa fogbey
dhar uxiro
kuu tiraahyeee

(2)Dahab adan lahayn kutiraa
daldalo dahabadan lahayn
kutiraaa daldalo

(2)Haka dayrin weligaa
Noloshaaa laderistahay
Ha udoodin abidkaa
Tu kaloo kudayashaa

(1)Taa waxaa daliil u ah
oo Nooga digi kara
xadiith baa kusoo degay
(2)Marun laysma garab dego
dad ma wada sinaan karo
Adduun waa isdaba maal
isdaba maaaaaaaaal

(2)Sidey Diintu nagu tiri
Dayaxana ha dhaaftee
Dadkaa derejaduu helay
Rabbi kaama daahine
dadaal gaari doontidee

Exit mobile version