Qamaray jacalyku
quraan layska saariyo
wax ka qabasho leeyahay
qudhii qays markuu jaray
layla qolka galiyaaba
hore looga quustee
qaburaha inaan galo
haatan ii qorsheysee
qilaaf iga hor keentee
waa inoo qiiyamaha

Dhulku kala qaboobe
meelan qaxar lahayniyo
bidhantii qoryooley
qaadir kugu abuuryeey
indho qabad wanaagey

Sida roob qayoodoo
qaboonada intuu gaadhay
dhirtu wada qarsoontee
qaybisay midhaha iyo
lagu soo qamaamiyo
qool baxay la moodyey
adigaa i qoomoo
qancimaayo jeeraan
isu qayb ahaaniyo
quud aan waadaagnee

Dhulku kala qaboobe
meelan qaxar lahayniyo
bidhantii qoryooley
qaadir kugu abuuryeey
indho qabad wanaagey

Exit mobile version