Naf jaceelku daashaday
Kal gaceelku dagay
Indhaheedu dumar kale
Kuma doog sanaysoo
Adumbay ku dawatayee
X2

Adigaan ku doortoo
Kaligaa ideeqee
Hadal diiqa galiyoo
Dhegahaygu diidaan
Muran kaba madontide
Eray eray dabacsan bay
Dibnahaagu karayaan
X2

Dar alee gobaad tahay
Marwo lagu dagaad
Tahay safiyay dad
Kaba ruux deeqay
Baad tahay X2

Dumarkaba idilkood
Taan ka doortayay
Naftaydaa ku doontoo
Dugsigaad ku ababtaa
Dulqaadkiyo degananta
Kala timid X2

Adigaan ku doortoo
Kaligaa ideeqee
Hadal diiqa galiyoo
Dhegahaygu diidaan
Muran kaba madontide
Eray eray dabacsan bay
Dibnahagu karayaan

Dar alee gobaad tahay
Marwo lagu dagaad
Tahay safiyay dad
Kaba ruux deeqay
Baad tahay X2

Exit mobile version