sanad guuro wacanoo
subax ciida ay tahay
sanadii la gawracay
saxsanxaa i qaado
sida sagalka rooboo
cadceedi la siman tahay
suurdadaa wacan baa
markaan sidaa u eegaba
surinkaan maraayiyo
aanan sixin talaabada
midaan kula simaayaba
dunidaba ma saarnee
isa seegi maynee
ubax kugu salaamaye
sidee tahay suleekhay

muddo ayaan samraayoo
saadaal ku noolaa
hada saymo noqdeen
iyo sidaan sugaayee
suniyaha bil dhalatiyo
sanqaroorka lagu simay
timaha sugul madoowoo
suleekhaa hooyadaa iyo
suldaankii ku dhalaybaa
sifahoodii leedahooo
midaan kula simaayaba
dunidaba ma saarnee
isa seegi maynee
ubax kugu salaamaye
sidee tahay suleekhay

Exit mobile version