VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z


Tusmo Lyrics

caashaqaan tixraac
tirtirada wadnaha
taariiq lagu xusiyo
taalo uga dhignaa
hada taan rabniyo
taagan gabo gabo
tanaad buu noqdee
ubaxaantashiga
ku talaalnaybaa
tin iyo ciidhib kobcee
u adkee tusmada

jacaylkaan tagtiyo
timaadada in badan
inaan tuhun dhex galin
aan ka taxadirnoo
waxaan tiirinoon
tabantaabinaba
haduu taaba galay
ubaxaan tashiga
ku talaalnaybaa
tin iyo cidhib kobcee
waan adkayn tusmada

caashaqaan tiriyo
qurux iyo tayaba
inuu tahanti karo
waan ku tala galnee
a tirmee cishqigu
halkaad tabtaybaa
waliba ku tolantahe
ku talaalnaybaa
tin iyo cidhib kobcee
u adkee tusmada

cashaqaan tartiib
talaabada qiyaas
qodax taabatiyo
dhibta uga tudhnaa
tagoodii helnoo
tufaaxii cishqigu
caawuu taam noqdee
ku talaalnaybaa
tin iyo cidhib kobcee
waan adkayn tusmada


Lyrics by: madar
loading..
-- / --