VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Galad - Lyrics

shaw jacaylkii ma guuro hadii aad garan waydo saw abaal gudi maayo hadii aad gacan siiso hadaad gees uga baydho saw jacayl ma gabnoobo hadii aad u garawdo guudka saw kuma saaro hadaad guur u qorshayso nacab saw ma guruurto markaad gaari aroosto galad saw dhaxli maayo saw jacaylkuu ma gooyo hadii aad galbin waydo guusha saw kuma gaardho hadii aad garab siiso hadii aad gacal diido saw jacayl ma gadoodo hadaad gaaxda maasho farxad saw godlan maayo hadaad guur u qorshayso nacab saw ma guruurto markaad gaari aroosto galad saw dhaxli maayo
Queue is empty
-- / --