shaw jacaylkii ma guuro
hadii aad garan waydo
saw abaal gudi maayo
hadii aad gacan siiso
hadaad gees uga baydho
saw jacayl ma gabnoobo
hadii aad u garawdo
guudka saw kuma saaro
hadaad guur u qorshayso
nacab saw ma guruurto
markaad gaari aroosto
galad saw dhaxli maayo

saw jacaylkuu ma gooyo
hadii aad galbin waydo
guusha saw kuma gaardho
hadii aad garab siiso
hadii aad gacal diido
saw jacayl ma gadoodo
hadaad gaaxda maasho
farxad saw godlan maayo
hadaad guur u qorshayso
nacab saw ma guruurto
markaad gaari aroosto
galad saw dhaxli maayo

Exit mobile version