hugii sharaftiyo
haybadii quruxdaay
habeen lummayoo
haco la hadhaay
midaan hal luntay
horeba loo waydin
adaa hodayoo
hawada dhiga oo
adaa hafraya oo
halyay ku tilmaama oo
hayntiisa yar uun
heelada ugu tuma
hoheey lacageey
wax kala haadshaay
walee ninkii haya
waad u hadashaa

hoheey lacageey
horseed wacaneey
humaag beenoo
hiran jiraneey
halyeey geesiyoo
hormud noqon kara
adaa huniyo
hudhaydh ka dhiga
adaa hakiya oo
hoos u celiya oo
waliba hadalkiisa
haw haw ku tilmama
hoheey lacageey
wax kala haadshaay
walee ninkii haya
waad u hadashaa

Exit mobile version