deeqoow caashaqaad
igu daartaybaa
dawadiisa helaye
walaal ha igu diganine
kalgacaylka daadihi

daganeey jacaylkaad
daadihi i leedahay
haduu doolar kula yahay
daashaye dib ula noqo

dundaa dhibaatiyo
daaliyo rafaadlee
dib u celi xusuusto o
jacaylkeenu yu dumin

hadii aan daraadaa
doonida u raacoo
dakhar caashaq igu dhacay
dacartiisa waan nacay

dunidaan ku nool nahay
labadii is doortaa
daryeel caashaq helabaa
ku dakeeya noloshee
ha igu daadin jamashada

daganeey hubaashii
adigaa dayaxa iyo
daruuraha is geeyee
raac daadka inanyahay

dunidaa dhibaatiyo
daaliyo rafaadlee
dib u celi xasuustoo
acaylkeenu yuu dumin

hadii aan daraadaa
doonida u raacoo
dakhar caashaq igu dhacay
dacartiisa waan nacay

Exit mobile version