Heesta Abshiro - Lyrics
Abshirooy
indha urooneey
Ilwaad qurux
ammaan badaneey
Aynigeed ugu mudaneey
Aabba iyo hooyaaa
Akhlaaqiyo dhaqaniyo
Asluub wacan
Abshirooy adiga
Kugu abaabiyee
Usaree asaaggaa
Alloow aqal galkiinnaa
Kii aflaxa
Eebboow ka yeel
Eheliyo qaraabadu
wada farxaan
Eebboow kayeeel
Ubad baariyoo
Intifaacsadaan
Ka dhexbeer
Eeeboow aamiiin
Abshirooy ayaan dhaladeey
Ubaxiyo ugbaad baxayeeey
Gobanimo astaanteedaay
Ehelkaad ka dhalataa
Amaaniyo sharafiyo
Ilwaad badan
Adiguna aqalkaad
ku aroortidbaa
Ugu wacan adduunkee
Alloow aqal galkiinnaa
Kii aflaxa
Eebboow ka yeel
Eheliyo qaraabadu
wada farxaan
Eebboow kayeeel
Ubad baariyoo
Intifaacsadaan
Ka dhexbeer
Eeeboow aamiiin