Caashaqan igubayee
Inta LA igu guudfuray
Maantana gundaha dhigay
Gugiisii tobnaad
Gaarka igu ahee
Galaaftay naftaydii
Garka iyo wadnaha
Halista ugudbee
Gami iina igajaray
Sida gob iyo xalkeed
Gacalow hadmaan
Iigaraabiyoo
Ilagaran cishqiga

Caashaqaagii gabadhyahay
Waxaan soo gardaadshaba
Gurmad dheer usoo galay
Saw garabkaan rabay
Gayaanka dhamaantood
Adaa iiga gaaroo
Hiyigana gashaa
Guri inaan dhisaa
Gaaridaydii noqotee
Gacalow hadmaan
Iigaraabiyoo
Ilagaran ciahqiga

Exit mobile version