VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhab ufiirso cover - Lyrics

Qaali ladan : Waataad dhib mudatee dhursugeysay waayee hawl kaa dhamataa ii dhalatey caawee. Dhuxushaad ku joogtiyo dhamacdii dareemee dheel ma joogtee dhab u fiirso waligaa Caaqil yare: Dhibta lay isku egaa wey inoo dhexaysayoo adiguba dharaaraad ka qosleysey dhooshee. Anna dhiig sidaan galay keymaha ku dhuuntee saw caawo dhaantiyo saw filanmeysid dheel-dheel Qaali ladan : Dheegow danteenii anigaa dhalliiloo ruuxse dhaawac geystoo dhayayaa ma liitee. Ruux taladu dhaaftana dhaaxaanu aragnee dheel ma joogtee dhab u fiirso waligaa Caaqil yare: Dhulku wuxuu la qayshaa dhamacdii i gubatee dhirtu waxay la oydaa dhuxushaan magaabashee. Amba dhamay qadhaadhkee waa inaad dhadhamisaa saw caawo dhaantiyo filanmeysid dheel-dheel
Queue is empty
-- / --