habeenkii aragtidaadi
hufnaantiyo barashadeeni
hasaawiyo sheekadaadii
maxaad hami igu abuurtay
maxaan aniguba ilaaway
hawaawiray aawadaayoo
naftaadu hibasho badan
maxay igu beertay hawl
naftan adi kuu hogaansan
macaan adi kuu hanuunsan
ka dhawr hagar daamadiyo
hantaaqiyo ciil ha badin
sidaan anigu kaaga helay
macaan iigu noqo hormuud
jacaylkeenana hirgali
hantaaqiyo ciil ha badin
maxaad halistiyo wadnaha
halbawlaha dhiiga wadaya
dartaa u hamuumayaayo
haraad wali kuu qabaa
muxuu kalacayl i helayoo
intuu igu xidhay hogaan
haaliyo uga tagay hunguri
habeenkii dhaxan ka hoyan