Kashaan iyo laabtaan
Dareen Ku kobciyoo
Kaskayga iyo maankaan
Jacaylka Ku koriyoo
Quruxda koonkiyo
Kaaha subaxdaa
Kalgacayl wadnahaa
Ku kaydsamaybaa
Adigaa ku kordhoo
Naftu kaahay
Adiga kuu nugul
Markaan kuligood
Kormeeray haween
Adigaa kaligaa
Kasoo mudhyidhiyo
Koobkii quruxdaan
Kuu dhiibay muunay

Farxad iyo kalgacal
Ukaayeystiyo
Kalsoonida ruuxdaad
Kasoo kaltamay
Kafeeya naftayda
Kaamisayee
Nuurkii kalinimo
Karaystay hadoo
Markaan ku helaan
Kasoo kabsadee
Qudhaydu kuu diranaa
Markaan kuligood
Kormeeray haween
Adigaa kaligaa
Kasoo mudhyidhiyo
Koobkii quruxdaan
Kuudhiibay muunay

Exit mobile version