Heesta Laabta igu qabo - Lyrics
indhaha milicbaad tahay
qalbiga farxadbaad u tahay
agtayda xulbaad ka tahay
iftiin rajadaad tahay
anaad dookhayga tahay
aayaha noloshayda tahay
ishaarta hankayga tahay
oo aad farxadayda tahay
isirka nasabaad ka tahay
udgoon qalbigaad u tahay
anaad kartiday tahee
miyaan ku ilaawayaa
haldoor umadaad u tahay
geesina ehelkaad u tahay
anaad noloshayda tee
miyaan kaa oolayaa
jacaylkii adkaynooo
guushii astaynoo
ciideenii weeyee
laabta laabta igu ahay
deeqsan laabta igu hay
jacaylkii adkaynooo
guushii ataynoo
ciideenii weeye weeye
laabta laabtaada igu hay