Sabanadan dhamantood
Hablaha saaran dunidiyo
Suleekhada la sheegee
Sifaha iyo quruxdiyo
Jeerow aad ka sidataa
Jacayl saayidiyiyo
Niyad saafiyaan
Sagal kuu hayaaye
Ee illaah sad iyo calaf
Sagal ha igu kaa simo
Ha ii sugnaato nolushiye

Niyadii samaaniyo
Qurux ay saldhigatee
Dhaqan suuban oo wacan
Saluug lava ilaashee
Waalidkeed so barbaarshey
Rag ku sahamiyaayoo
Sangayo xoolaba
Sooryo looga bixiyaa
ee ilaah sad iyo calaf
Sagal ha igu kaasimo
Ha ii sugnaato nolushiyee

Exit mobile version