Heesta Sumayo - Lyrics
sumayaay siraad nuuraay
socodkiyo talaabada wacan
habsamida asluuubtada
qalbigayga wda saaaqoo
kaa seexan kari waayoo
sidaan ahayba mooyee
soo jeedka arageegiyo
dhexda soohan qoorteediyo
suniyaha indhaha quruxda leh
samayskeedayaabka leh
rabaa siiyay bilicdaasoo
hablahay u saraysaaye
salaloo sardhadii nacayoo
sadrigaygiyo laabtaa
muxibadu ku sugantahoo
xiskaygana dareen ku sidkoo
hurgumada jacayl ku soshoo
sidaa tahayba waan ahayee
dhaqan suubanaantaasaa
dadka sabanka kala saartee
gobonimada sooceeda
kaga wada saraysaayee
saldhigaagu waa qalbigoo
sababadaadu waa wadnahee
oo haleey halalee heleelalee
oo hobaalikalaan ka leenahoo
soo lula sida laamo gaydho leh
huuno qurux laga laabta ii saaree
oo hablahaygu waa daruurta cirkoo
oo anana dayax daba socdaanu nahee
oo sumay luulaay laga i saar