sidii xamash xamashka buuraha
xamaayeey axbag cadaadeey
xalaawadii macaanteey
adigu ma i xasuusanaysaa
xishoodayo caashaqaagiiba
xanuun wayn igu abuuree
anigu xalay seexan waayee
adigu ma i xasuusanaysaa
xasili soo xasili jacaylkeena soo xasili
xishood noqo xaynka ila qabo
xalaal baan kugu aroosee

adaa xididada hablawha
wadnaha xarun wayn ku yeeshee
naftaydana xero ku ootee
adigu may i xasuusanaysaa
xurmiyo adigaan wanaagiyo
xiiso iyo xubi kuu qabaayo
duntuna iigu kaa xidhan tahee
adigu may i xasuusanaysaa
xasili soo xasili jacaylkeena soo xasili
xishood noqo xaynka ila qabo
xalaal baan kugu aroosee

lyrics by Ismacil Ahmed

Exit mobile version