VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gobeed - Lyrics

Waxaan ahay xero ku dhalad Xalaal lagu soo korshoo Xishoodkii gabadhnimiyo Xeerkii dhaqankii sidoo Mar kale xiisaha jacayl Xiskeeda ku hoorayoo Xeel dheere la qaybsatee Xaqdhawriyo sharaf kalgacal Hadiiba xidig leeyihiin Midkii u xasuus badnaa Anuu igu xeeranyoo Farxadbuu ku xasilay qalbigu Xamdiga RABIBAAN ku helay Waxaan ahay xaas gobeed Xanaano wanaagsaniyo Xurmadii guur lahaa Xaqiiq lagu maamuloo Waa qaab xanafiyo xanaaq Maskaxdu la xanuusatiyo Xarago been laga tagee
Queue is empty
-- / --