VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Heelo - Lyrics

In dheer garad geesiyow Ilaaliye sahan aan galay Ragoo dhagan uga xushow Asaagna midkaan qarnigan Aqooniyo talo bidee Inaan oori u noqdana Naftayda ku aaminow Kalgacalkaan ababintiyo Astaamaha dhaqanka iyo Asluubta ku maamulnaa Hadeer udubka u mudnee Labadii is maqal fiican Ixtiraam dhexdood yaalo Ku idlaysta noloshooda Ubad iyo aduunba u hura EEBUHU intuu siiyo Intifaac lanoo galiyo Ku aflaxa midnimadooda Ha ahaado reerkeenu Ilwaad qurux ay naftaydiyo Ishaydu ku doogstoon Gayaan uga ulanayaay Aroor waa ii baryiyo Bishoo tobaniyo afara Sidooda ii nuuriyaay Qalbiga oon iga tiraay
Queue is empty
-- / --