Naf ku jecel ha waydaynin
Ha waxyeelin sharafteeda
Waqti sii la joogeeda
La wadaag dhibkii haysta

Ku dadaal wanaageeda
Isku waani farxadeeda
Wadnahiyo u qabo beerka

Wehelkeed u noqo daacad
Walwal ha is ilaawaane

Naf ku jecel ha waydaaran
Hau wiigin libinteeda
Ha u jabin warxumo sheega
Wiirada iyo maadiisa

Ka ilaali xumo wiiqa
Walbahaarku kaliyaystay
Waglo iyo la tumo dhaanto

Exit mobile version