VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Daalo aragtideedaay mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Cabdala Y Hanuuniye
Daalo aragtideedaay

dur dur iyo xareedii
doog iyo ugbaadeey
dalaalimada cadarkiyo
dhibic iyo daruuraha
ubax daraya muusoo
manka imaha ka darariyo
daalo aragtideedaay
dayaxiyo xidigahoo
nuurka isku dirayiyo
dusha roob ladhiciyo
daauus lamood yeey
diirimaadka laabtiyo
daawadii naftaydaay
taan habalaha ka doorte
dareenkaga siiyaay
xubna dabacsan leeyeey
nabi yuusuf dabadii
tii dumarka qururxda leh
hal doorkood noqonaay
danbar iyo labeen iyo
dahab midabki leeyeey
xuural cayntii dunidaay
daawashada u timidee
dalka lagu manastaay
haduu diido calafku
aqal laba daryaaloo
aan xariir kudaahiyo
inan dadab wadaagno
waqtigu uunakal diro
allaa deeqda bixiyee
ana kuuma dudayoo
naxariis da weyn iyo
ducaan kugu sagoodiyay
ninka damacu raacee
dookhu calafka saartee
guur aad ka doontaa
kugu gacan danbeeyaha
aan dardaaran siiyee
waa libin dadnimaduye
aamina kan doortow
deji meel barwaaqa
diihaalka gaajiyo
dibin daabyo yay arag
daran yadu mafiicnee
yayka noqon maryuhu duug
ha uyaalo dahabkuna
daris aan habooneyn iyo
yay dareemin qayladi
dibada iyo gudahaba
meelaha ladaawado
ee dalxiiska l tago
ha il doogsatee gee
dusha nabar hagaadhsiin
ha dagaalin waa gobe
hadal doqon magarato aha
haku dayin ma yeeshee
waxaa dihatay hooyadii
dadnimada kubeertee
aabeheedna waa dirac
ragna doorki weeyoo
waa duriyad xalaalee
waalidkeeda daadihi
waxaa jira nin dooroo
danu ceb uyeeshoo
waxa aamina udana
haday waayo diidaan
soo doono waa garee
anaa kuu diyaaroo
daryeelkeedu igu yahay
xil aan duudka saaree
hadii taa aad diidee
duuga nolosha aamina
dayac noqoto waa qaan
waana kula dacwiyayaa

codkii Cabdala Y Hanuuniye