daruuraha hilaaciyo
daxayax nuurayaad tahay
soomaalida dirkeediyo
dun xariira baad tahay
dawadii jacalkiyo
dooqaygiibaad tahay
markii aad ideeqdee
quruxdaada daawado
qalbigaa ku dararoo
indhahaa ku doogsada
kuma dayn karaayoo
dadkaan kuugu jecelee
kuu daacadbaa ahee
wacadkii hasii dayan
damalaa harsanayoo
milicda iga daahiyo
dayr adag ayaad tahoo
daxan iga dugsiiyoo
durdurada biyaha iyo
dirir hooray baad tahay
deegaan bislaatiyo
doog baxaybaad tahay
qalbigu ku dararoo
indhahaa ku doogsaa

Exit mobile version