Heesta Jacayl aan lagu wadin - Lyrics
dad waxaa uwanoo
ugunaa wanaag badan
qof waanadaadiyo
wax ku qaata hadalkaa
anaa kuu waramayee
weedhayda maqaloo
wadnahaagu yuu nixin
naxariista waligaa
kala wareega oo
waraabaha ku cunayaa
wehel kuuma noqoye
qofka laba wajiilaha aha
hala dhiganin wacadoo
jacal aan lagula wadin
wakhtigaaga ayuu lumin
waayaha aduunkiyo
taariikhda kaa wayan
waxa loo wakiishaa
ninka waayo aragee
wadku baaqan maayee
kolna waari maysid
waxyeladana ku gadhay ku
walacinayee walbahaaray