Hadaan welhelkaygiyee
Xaqiiqdii kuu warama

Waxyeeliyo inaan xumaato
Wadaagno kala coloono
Jacaylkayna ka wayn

Dad baa jiroo walaanoo
Haday wax is rabaan arkaan
Ukala wariyoo xumaan
Walaalaha ka dilaan
Jacaylkayna ka wayn

Wad iyo calaf waxaan ahayn
Inakala wehliyaanoo
Jacaylkayna ka wayn

Hadaan wehelkaygiyee
Xaqiiqdii kuu warama

Waqtigu wuu soconaaye
Inaan weekba cayn ahaano
Jacaylkayna ka wayn

Kolay wadnayaal is raaco
Waxa weerara waswaasiyo
Wax kastoo lagu yimaado
Ma wiiqaano wacadkooda oo
Jacaylkayna ka wayn

Wad iyo calaf waxaan ahayn
Inakala wehliyaanoo
Jacaylkayna ka wayn

Exit mobile version