VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Laqanyada mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Cabdi Ali Bacalwaan
Laqanyada

Sahra
laqanyada jacaylkiyo
lurka caashaq kululoo
ruuxdaadu lahatayoo
kugu laadey ba’anaa
waxan hadalba ii labin
sida la iigu kaa ladhey
hadii aad lix goor noqo
itidhaa laba iyo toban
naftan libiqsaneysee
laabaneysa leedhe
ladanow miyaan
la’aantaa aniguu
ladayaa hurdada

Bacalwaan
laan daaqo geeluba
labigii jarka u dhow
intuu laac isleeyahay
saw looli kama dhaco
waxan looba wada hadal
adigey is lugooyee
anna laabta kaa jarey
maad noqotid looxaa
ama lebenka daaraha
inaan laaxi kaa dhigo
lunsaney adaa
laliyee niyadaa
soo leef hawadaa

Sahra
lab haween ku taagsadey
ku lixaadso dumar yidhi
legdayoo ku jiifoo
ka lib dooney ba’anaa
waxan looba liil galin
libiqsiga aan kuu qabo
hadii aad lix goor noqo
itidhaa laba iyo boqol
naftan libiqsaneysee
laabaneysa leedhe
ladanow miyaan
la’aantaa aniguu
ladayaa hurdada

Bacalwaan
inanyahay lug iyo faras
lalabaha colaadeed
lib hadey ku diriraan
saw luun ma gawraco
ana libinta caashaqu
markuu igu lixaadsadey
waran iga likeysoo
ii liici weydee
maa luxudka lagu dhigo
inaan kuugu liilsado
lunsaney adaa
laliyee niyadaa
soo leef hawadaa.

codkii Cabdi Ali Bacalwaan, Sahra Ahmed