VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Yaa gareyska - Lyrics

Jaango: Sida Geenyo & Faras, Ayadoo Gugii da'ay. Gaashaamo & Siraw, Garanuugle & tuban, Geel didiska Xodayoo, Garduur mayracanayo. Kaymaha Gelgelimaha, Godimada Xareedda leh, Galabtii cadceedsada. Oo Gadiidka harimada, Guudkooda Sixinkiyo,( Sixin/Subag) Gacmaha loogu dhaashiyo, Sayntuna Gondaha iyo,(Gondaha/Lugaha qaybtooda Hoose) Gaarayso Shirixyada, Kuma Arag Gayaankaba, Gabar kula sansaanleh, Yaa Garayska kaa fura, Kuu salaaxa Gaaddada, Gurbad jacayl i gelisee,. Sahra Axmed Dadku kala gardaranaa hadal dalaqsi fududaa godobiyo lur jecelaa Goorma barashoo laga tegey garanmaayo wiilkee Talow ayaa na kala gura War bal gaabso oo joog Guurkana ha ceebeyn gabdhahana wax haw dhimin Jaango: Sida Goodir & Laan, iyagoo Gayaxa maran, Gaanaha la foofo, Goolkaba ka muuqdheer, Gurbad maqasha taallana, Goor aanse kala tagin, Ama Gaaris rimiyoo, Awrku Gooxa-sheemoo, Gaar-gaar ka fududayn, Gacmahaaga Laafyaha, Luquntiyo Garaaryuhu, Galgashiimo weynoo, (Laalaabka Cududdada), Aqal guradu yacaytahay, Guudka laba Daryaala ah, Garoorkii dhitadu-yaal, Nin ku geeyey wacanaa, Yaa Garayska kaa fura, Kuu salaaxa Gaaddada, Durba Jacayl i gelisee---(Gurbad jacayl i gelisee) Sahra Ahmed: Ragu galalaf weynaa isagu usii wacanaa dano quudhsi badanaa Goormaa barasho laga tegey garanmaayo wiilkee Talow ayaa na kala gura war bal gaabso oo joog guurkana ha ceebeyn gabdhahana wax haw dhimin Saxid by Dalmar
Queue is empty
-- / --