Heesta Saluugla - Lyrics
Dhaaxaan Samraayow
Sixin iyo Alaab Malab
kugu yeel sintaada
Dhaxaan sir iyo caad
Waxii aad sameesaba
Usacaba tumayee
Ogow Samirkii waa jiray
Waa santa goostayoo
Sadkiisaa dhamaaday
In suldaanku Boqor yahay
Faqiirkuna sawool yahay
In Sareentu Qeer tahay
Salfudayna daranyahay
Ila garo Saluuglaay
Dhaaxaad isidatoo
Ad-uun ku samraayo
Naftu kugu sabsabayoo
Adiguna Saluuglaay
Saadaasha Qayrkiyo
Lumineesay Saacee
Ogow Samirkii waa jiray
Waa saanta goostayoo
Sadkiisaa dhamaadayee
In samraanku **
OO Samir lagu darin
Inay siigadu Boortahay
Saxansaxo udgoon tahay
Inanyahay Sidaadaba
Salaan guud
Waliba soorya
Waa inaan ku siiyaa
Marka xigo sirteenii
Saadaasha wadatee
U sacaba tumayee
Seetada lahaydee
Aan ku xiray Sibraartee
Ku qufulay Sanduuqee
Misbaxeedi Suubanaay
Saamlayda hoosiyo
Sabbabada akteeiyo
Wadnahaaga aan suray
Waa maxay Saluuglaay
Waa maxay Saluuglaay
Sakadaa la is dhaafsdaday
Sidee boo Xaalka kaa yahay
Lyrics by Miski aadan ' Miski Uk'