VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Istaahil - Lyrics

caqli toosaneey garaad allaa kuu dhashay wanaag edabtiyo xishoodkana hooyo kugu anqarisee sida ubax udgooneey indho deeraleeyyeey ag jooogaag uun bay naftu ku istareexdaa ayaankuna ikaa sii isku keen lamaanee jacayl aamin lehna waan abuurnay gacalo ilwaad quruxeey ugbaad asal dhalladeey amuuun sharaftiyoo amaantaba waad istaahishaayee ilayskii arooryaad afar iyyo tobnaadeey eegmadaada nuuraay ayaan ku indho kuushaa ayaankuna ikaa sii isku keen lamaanee jacayl aamin lehna waan abuurnay gacalo
Queue is empty
-- / --