Heesta Xamar uduul - Lyrics
dirir iyo colaada wixii la shiday
haatan waan daynayoo
nabadaan daaqsanaa
daarihiyo dhismaan
dabaqyada qurxoon
doorkay maanta tahay
maydin soo daawataan
laamiyadii dumee
mudo dayacsanaa
dibaa loo dhisoo
dunidaba ka wacan
dooniyihiyo
diyaaradahaa soo dagoo
dadkii soo laabayoo
horumar lagu daree
udbihiyo musbaarkaa
damaashaadayoo
dusha sare muqdisho
laydhadhbaa ku dadan
dakadaa xaliyo
garoonkan daafta wayn
dawladaha horumar
ayaan door la nahay
dibadii qubahaa
kugu baraf dilee
aad ku diirsatide
kaalay xamar u duul
dooniyihiyo
diyaaradahaa soo dagoo
dadkii soo laabayoo
horumar lagu daree