Hankaagu hadduu wacnaa
Walaalnimadaadu yaraa
Waxtar haddii aad lahayd
Wax siin taadu xumaa

Wanaag waa halkiisee
Waxyeeladaa kabadan
Waxyeeladaadaa ka badan

Waxba aniga ha ii werwerin
Weeynahaa ilaahay
Wakiil iigama tihidee
Inaan kala weecanaa
Adeey kula weeyn tahee
Adduunku walaal hakuu noqdee
Walaal adduunku hakuu noqdee

Walaal iga weeyn haddaad aheeyd
Adaa wacadkii gabee

Ifkaa wax la iskugu yahee
Aakhiro waxba la isma taroo

Walaal war beena rumaysatayee
Maxaa wacay kalaa fogidaa

Waxba aniga ha ii welwelin
Weeynahaa ilaahay
Wakiil iigama tihidee
Inaan kala weecanaa
Adeey kula weeyn tahee
Adduunku walaal hakuu noqdee
Walaaal adduuunku hakuu noqdee

Exit mobile version