Rasmaad isu guursateen
Ruuxii calafkuu noqdoo
Ifkana raaxadiisu waa
Kuwii is jecladee
Qoys iyo guri wacan dhisee
2x
Runta laysku qaabilaa
Cawaba rakibteen aroos
2x
Aroos lagu reeyey iyo
Aroos lagu roon noqdee
2x
Rajada ubad khayr qabiyo
Risiqa kii xalaal noqdaa
Rabiba waadisaneee
Aloow run inooga yeel
2x
Daahbaa cirka laga rogoo
Samada raxmadeediibaa
Raxmaanku inoo furoo
Rag iyo dumarba dareema
2x
Runta laysku qaabilaa
Cawaba rakibteen aroos
2x
Aroos lagu reeyey iyo
Aroos lagu roon noqdee
2x
Rajada ubad khayr qabiyo
Risiqa kii xalaal noqdaa
Rabiba waadisaneee
Aloow run inooga yeel
2x

Exit mobile version