inaan cishqiga aawada
anficii uga soomanahay
inanyahay waad ogtahay
ana abaqaalkii kalgacal
udbaha ha u taagtaan lahaye
malaha ambad baan ahaa
axdiyoo jacaylkiiba
nololiba ma ilawday
maxaan kuugu uur samaada

inaan igadh kuu noqdoo
runtii igu wayntahayoo
waliba ifka kuu jeclahay
abaydin intaan ahaaday
oohini iga soo dhamaatay
naftuna aamus diiday
axdiyo jacaylkii kuma ilaawine
mana oolin wacadkii
adaan kugu uursamahay

qalbiga udugiisiyeey
uurkiyo indhahaa ku jecel
aday kuu ilmaynayaan
irdhoobay markaan ku waayay
arladu ila soo yaraatay
ilmana u adkaysan waayay
axdiyo jacaylkii nololiiba
ma ilawday wacadkii
maxaan kuugu uursamada

inaan olol reen kalgacal
hurdadii awgaa u nacay
malaha adba waad ogtahay
ugaamay intaan asqoobay
abraaray ulaashadaaday
hadana aragaa u baahday
axdiyo jacaylkii kuma ilaawine
mana oolin wacadkii
adaan kugu uursamahay

Exit mobile version