Inaan cishqiga aawadaa
Anfacii uga soomanahay
Inan yahay waad ogtahay

Anna anbaqaadkii kalgacal
Awrka ha u taagtaan lahaayee
Anbad baan ahaayee

Axdigiyo jacaylkii nololiba
Ma illoobi wacadkii
Maxaan kuugu uursamaadaa

Inaan igar kuu noqdoo
Runtii igu weeyn tahayoo
Waliba ifka kuu jecalahay

Abaydin intaan ahaaday
oohin iga soo dhammaatay
Naftuna aamus ii tiri

Axdigiyo jacaylkii
Kuma illaabinee
Mana oorin wacadkii
Adaan kuugu uursamahay

Qalbiga uduggiisiyeey
Uurkiyo indhahaan kujecel
Adeey kuu ilmeeynayaan

Irdhoobay markaan kuwaayay
Arladu ila soo yaraatay
Anna u adkeeysan waayay

Axdiyo jacaylki nololibaa
Ma iloobi wacadkii
Maxaan kuugu uursamaadaa

Inaan olal reen kalgacal
Hurdadii aawgaa u nacay
Malaha adba waad ogtahay

Uugaama intaan asqoobay
Abraaray ulashadaadee
Hadddana araggaa u baahday

Axdigiyoo jacaylkii
Kuma illaawin
Mana oorin wacadkii
Adaan kuugu uursamahay

Exit mobile version