Dookhiyo caashaq baa i helay
Naftuna weey daalan tahay
Deeqaay anba waxaan qabaa
Inaad dawa ii tahee

Dareenkiyo dhibtaan qaboo
Wadnahaa adigaa dagee
Dulloobayee ii dadaaal

Ha diidinee dalab kalgacal
Anigu kuusoo diroo
Gabdhahaad iga wada xigtaa

Waa doog jacayl
Waxaan la dekaamayee
Duufaan waa anigan
Dhex galay
Dabayshana raacayee

Diihaal badan baan maroo
Gabdhahana adigaan dartaa
Dibnaha uga wada xiree
Dulloobayee ii dadaal

Ha diidinee dalab kalgacal
Anigu kuusoo diree
Gabdhahaad iga wada xigtaa

Diihaal badan baan maroo
Gabdhahana adigaan dartaa
Dibnaha uga wada xiree
Dulloobayee ii dadaal

Exit mobile version