aragtida indhuhu
inay uursmaan
kugu eegayaan
adigoon ogayn
kaa ir sugannayaan
uu afkuna itaal
wuxuu odhan lahaa
amaantayda ay tahay
qalbiguna aduu
ehel kuu yahoo
naf ku aamintoo
aduunyada dhamaan
waxa aadmi jira
kaa ishaaratoo
adiguun ku jecel
maxaad odhan lahayd

ilwaad quruxsaneey
sida ubad la dhalay
ibihii kalgacal
kuu irmaan yihin
kugu qabo abaal
awalkaba jacayl
ataan wuxuu lahaa
anigoo igu dhan yahoo
igu meersan yahoo
cidiba aanay ila lahayn
naf ku aamintoo
aduunada dhamaan
waxa aadmi jira
kaa ishaaratoo
adiguun ku jecel
maxaad odhan lahayd

Exit mobile version