Heesta Hiboy - Lyrics
Anigoo halyeeyoo
Haybsanaaya meel sare
Ayaan hibooy isbaranoo
Hantidaan lahaa iyo
Maalkaygii kuu huray
Heshiiskeennii dhiganiyo
Wacadkii halleeysee
Nabsi soow lamaad hoyan
Booraan hadimo
Kii qoday inuu hubuq yiraahdaa
Waa shay hubaalee
Hooy hibooy
Ha moogaan
Hadimadan kalgacalkiyo
Hiinraag inaan galo
Adaa ii horseedee
Holand markaad u dhooftee
Caashaqii hilmaantee
Hakusido hallaasigu
Anna hooban maayee
Rabbaan hiil kasugayaa
Booraan hadimo
Kii qoday inuu hubuq yiraahdaa
Waa shay hubaalee
Hooy hibooy
Ha moogaan