Heesta Humaag - Lyrics
Hir baan laacaa hurdada
Markaan hinqadee kacana
Hawiyo been buu noqdaa
Humaag baan kuu arkaa
Haddana hibashada kalgacal
Harkaygaan kumoodayaa
Haddaad halista jaceeyl
Faraxeey iiga hiilli lahayn
Naftaydaan kuu huri lahaa
Haybad quruxiyo dadnimo
Hablaha adigaa usitoo
Waliba ku hawaawiyaa
Anoo kuu heelan baad
Halistiyo wadnaha igoysaa
Huq iyo ciil bay ibaddaa
Haddaad halista jaceeyl
Faraxeey iiga hiilli lahayn
Naftaydaan kuu huri lahaa