dumareey adaan
dumarkaba dhaamn
kaa doortayee
dawadaydii tahee

dalmaroow dartaa
amba damac jacayl
igu soo dagee
ku ducayso taa
waxaan daydayaa
nafta dul dhigaa
la dayaysanahay
dakharada cishqiga

dabiibkaa qalbiga
nata doojiyoow
kay u darartayoow
waan ku doonayaa

dookhu yaab lahee
dabka haygu ridin
ha i dayrinoo
yaan duloobine
i dabiib walaal

sida geel dano
la dareeriyoo
darka sii arkaan
kuu dareensanoo
daalku ii hayaa

Exit mobile version