dookhiyo caashaq baa i helay
naftuna way daalan tahay
deeqaay ana waxaan qabaa
inaad dawo ii tahee
dareentay dhibtaan qaboo
wadnaha adigaa dagee
duloobaye ii dadaal
hadiidin dalaba kalgacal
anaa kuusoo diroo
gabdhahaad iga wada xigtaa

diif waa doog jacayl
waxaan la dkaamayaa
dufaan waaniga dhex galaye
dabayshana raacayee
diihaal badan baan maroo
gabdhaha adigaan dartaa
dabnaha uga wado xidhoo
duloobaye ii dadaal
hadiidine dalaba kalgacal
anaa kuusoo diroo
gabdhahaad iga wada xigtaa

Exit mobile version