Mahiigaan caashaqbaa
Sidii mayayga ookale
Milanaaya laabtoo
Mawjadaha baddiyoo
Hiriyo mool beey qarshoo
Waliba dhex maquursanahay

Sidii laygu kaa muday
Haddaad muxibada jacayl
Dhexda anigu maraayoo
Naftan kaa maarmi karin

Mahuraan caashaqbaa
Intuu midigtayda dagay
I maquurinaayee

Muhashada dhibtiyo
Marwooy murugada jacayl
Ayaa igu maaxayee

Sidii laygu kaa muday
Adaa muxibada jaceeyl
Dhexdan iigu maranoo
Naftan kaa maarmi karin

Exit mobile version