Sida roob mir dhexe da’ ay
Ama mayay arooryaad
Intuu meel habeensaday
Maansheeyay dooxadii

Waa madal barwaaqee
Intuu maalku wada dhalay
Maqashiyo gammaantuna
Isdhex mayracanayaaan

Ayaan anigu mudaneey
Muuqaalka aragtida
Muxibada aan kuu qabo
Farxad kuu muhanayaaa

Manka ubaxa harisoo
Intuu saacu wada maray
Geedaha magoolkiyo
Midabeeyay dooggii

Oo lagu mashaawiro
Muunaddeeda quruxdaleh
Maalmaha dalxiiskaa
Madadaaalo loo tago

Ayaan anigu mudaneey
Muuqaalka aragtida
Muxibada aan kuu qabo
Farxad kuu muhanayaa

Exit mobile version