Heesta Sowda - Lyrics
Sidaa roob aroor hore
Amin galaba da ayoo
Onkadkiyo hilaacii
Dufadiisa udugga leh
Miyuu ilaashee
Waxa abaabulkaygiyo
Arrinkaan lahaan jiray
Anba qaadi maayee
Adaan kuu il daranahay
Anna waxaan la ooyaa
Indhuhu ilmeeyaan
Soowdooy daraadaa
Axad jira haddaad tahay
Aafadaa jacaylkee
Sowdaay iintiisu igu taal
Iga saar ina abtaay
Xero ariga loo dhisay
Udbihiisa culusiyo
Afsaartisu garab taal
Edagiyo ardaagii
Waa in laga agtaagaa
Uurkiyo afkayguba
Waxay aada la hayaan
Aramida jacaylkee
Oogadayda lagu raray
Anna waxa kan igu dhacay
Oontiina iga jaray
Adigaa bogsiin kara
Haddaad aaya leedahay
Aafada jacaylkee
Sooowdaaaay
Iintiisu igu taal
Iga saar ina abtaaay