Dalkaygoow dalkaygoow

Dalxiis kaagamaan imaan
Dalkaygoow

Meelaan kugu doorsanaayaa dalkaygoow
Miyeey dunidaba kutaallaa dalkaygoow

Dushaada barwaaqo weeyaan
dalkaygoow
Dabayshaadu weey udgoontahay dalkaygoow
Duxdaaduna wèy macaantahay dalkaygoow

Meelaan kugu doorsanaayo
Miyeey dunidaba ku taallo dalkaygoow

Inaan dibadaha wareego dalkaygoow
Inaan dawarsado shisheeye dalkaygoow
Qaxooti inaan dan moodo dalkaygoow
Danlaawe inaan ahaado
Dalkaygoow
Waxay dantu igu xanbaartay dalkaygoow

Kolkii nabad la isku diiiday haahaaa
Sokeeye kolkuu isdooxay haaahaa
Kolkii duulba duul wareemay haaahaa
Duqoowdii ladhaafi waayay haahaa
Kolkii dihatee sun daacday haahaa
Ayaan naftayda lasoo dalaabay dalkaygoow

Ee dalxiis kaagamaan imaan dalkaygooow

Inaan dibadaha wareego
Inaan dawarsado shisheeye
Qaxooti inaan dan moodo dalkaygoow
Waxay dantu igu xanbaartay dalkaygoow

Qabyaalad kolkaan dan moodnay haahaa
Kolkaan wada doxara noqonay haahaa
Kolkaan iska dab wareegnay haahaa
Kolkay damdamuuga noqatay haahaa
Kolkeey xiin daaqday deeqa haahaaa

Ayaan naftayda lasoo dalaamay dalkaygoow
Ee dalxiis kaagamaan imaanin dalkaygoow

Inaan dibadaha wareego dalkaygoow
Inaan dawarsado shisheeye
Qaxooti inaan dan moodo dalkaygoow
Danlaawe inaan ahaado dalkaygoow
Waxay dantu igu xanbaartay dalkaygoow

Kolkaan qaranimada duminay haahaa
Soomaali kolkeey dulloowday haahaa

Kolkaan qaranimada duminnay haahaa
Kolkaan wada dawdar noqonay haahaa
Kolkeey dad wax garada weeyday haahaa
Kolkeey ka dar dibi dhal noqotay haahaa

Ayaan naftyda lasoo dlamaay dalkaygoow

Ee dalxiis kaagamaan imaanin dalkaygoow

Meelaan kugu doorsanaayo
Miyeey dunidaba kutaallaa

Dushaadu barwaaqo weeeye haahaa
Duxdaaduna weey macaan tahay haahaa
Dabayshaaduna weey udgoontahay haaahaa

Exit mobile version