allaah allaahu aallah
allah allah allaahu akbar

kaan gacanta dhaabna
somalidu dhawaaqde

markii saf loo dhaqaaqo
intuu gumaysi dhuunte

hadaan dhagaxa loo ridin
calanka maynu dhidibneen

hadaanay geesiyaal dhiman
xornimo kumaan dhawaaqen

hadaan dhimsaho loo hurin
sanguuriyaal ma dhalaneen

allaah allaahu aallah
allah allah allaahu akbar

inan qabiilka dhaafno
dheregna aynu gaadhno
cudurka ay dhamaanayno
ayaa inoo dhinaaye

shantaa in la is dhex keeno
dhashoodu wada ciyaarto
shantaa in la is dhex keeno
gumaysiga ka dhowrno
aduunkana u dhaxaynoo
ayaa inoo dhinaaye

hadaan murtida la dhuuxin
oo an la dhigin afkeena
oo an shisheeye dhowrno
halkaa ku ciirsan mayne

hadii dhereg la doono
oo an dhib loo adkaysan
oo aynu meel dhex jiifno
halkaa ku ciirsan mayne

hadaan dhaqan wareegno
oo aan dharkeena xoono
oo ay dhashii ilowdo
halkaa ku ciirsan mayne

allaah allaahu aallah
allah allah allaahu akbar

dhalin yahay dhamaanten
xumaha ma iska dhaafna
dhalin yahay dhamaanten
samaha ma u dhaqaaqna
dhalin yahay dhamaanten
dhulka ma u shaqayna
dhalin yahay dhamaanten
cunuga ma isku dhiibna
dhalin yahay dhamaanten
dheg xumada ma dhiibna
dhalin yahay dhamaanten
dhiidan ma u eekaana

allaah allaahu aallah
allah allah allaahu akbar

Exit mobile version