Heesta Noloshu waa jaceyl jaceylkuna waa nolol - Lyrics
Nolashuu waa jacayloo
Jacaylkuna waa noloshaa
Kiii jiroow jirooow
Illeen waabaaad jirtaaye
Jecloow oo wax un jecloow
Kolkeey naftu jaw tiraahdo
Jirkeenna aboor dhammaystee
Ayaa juuq ugu danbaysee
Dib loo jaanqami maayee
Hooy jiroow jirooow weligaa jacayl
Illeen waabaad jirtaa
Jecloow oo wax uun jecloow
Sidii jaanjaan hanoqonin
Jaajùuraan dookh lahayn
Hooy adduunyada ha iska joojin
Intaad duudkeeda joogto
Hooy jiroow jiroow uunba jacayl
Illeen waabaad jirtaaye
Jecloow oo wax un jeclayn
Dhaguhu yeey kaa jufnaaninee
Jidkii nolashaada dooro
Qofaan jirin ha u ekaaninee
Waqtigu yuu kaa jiciiran
Hooy jiroow jiroow weligaa jacayl
Illeen waabaad jirtaaye
Jecloow oo wax uun jecloow
Anigu nabad baan jeclahay
Jidkaa loo marona gaar
Oo dalka jeclahayee
Dadkaygana waan jeclahay
Aa wanaagga in loo jiheeyo
Xumaantana kasoo horjeesto
Hooy jirooow jiroow weligaa jacayl
Illeen waabaad jirtaaye
Jecloow wax uun jeclooow
Anigu ubadkaan jeclahay
Inaan abidkay ag joogo
Ubaxa araggiisa iyo heedhe
Udgooonkiisaaan jeclahay
Anigu ooridayda iyo reer
Islaantaydaan jeclahay
Hooy jirooow jiroow weliga jaceeyl
Illeen waabad jirtaaye
Jeclow wax uun jeclooow
Nolashu waa jacayl
Jacaylkuna waa nolasha