Heesta Anoo kaa dhursagaayay - Lyrics
anoo kaa dhursagaayoo
axdigii dhirbaaxdoo
ima soo dhawaynine
dhaxantaad isiisee
dhabarkiyo laabtiyo
dhinacaa wadnahabaad
dhamac kulul ku beertoo
dhaawac baan qabaa
dhoolleey la,aantaa
dhulkaa ila wareegoo
cirkaa ii dhawaaqoo
kaa dhaawrsan maayee
wada dhalashadeeniyo
dhiiigeena eegoo
dhibaatada i haysaa
dhooleey iga dhaqaalee
dhankastoo la eegaba
dhaayaha u rooneey
waxaan kuugu dhegayaa
wada dhalashadeenii
dhoolleey la,aantaa
dhulkaa ila wareegoo
cirkaa ii dhawaaqoo
kaa dhaawrsan maayee
wada dhalashadeeniyo
dhiiigeena eegoo
dhibaatada i haysaa
dhooleey iga dhaqaalee