Heesta Dunida maanta - Lyrics
Xalay sow dhimbila
Qudhac iyo dhamac
Olalayoo anigoo dhex
Jiifoo dhibaataysan
Maan kicin
Dheelalow hurdada
Baas intaan dayay
Labada dhinac
Kumaan waayin
Dheegow dharka iyo
Gogoshii kama tagin
Ma dhaqaqin kaligeyo
Haatuf iima dhaantayn
Intaan dhaafay beeshii
Dhul omosa mantagino
Ku dhan yahay dugagiyo
Dhal libaaxi joogtaa
Dhayal sanayso hoyadu
Dhaxantii iqabatiyo
Naxdintiyo dhiilada
Jirka dhogor kamaan
Kicin
Markaan soo dhawade
Igu dhawaaqay bahalkii
Intan qaatay laba dhagax
Dhabadii kumaan noqon
Anoo dhiigu joogsaday
Dhirtaan maray gudodiga
Dhudhumadu ijeex meen
Asaan garan dhibatada
Amin dhexe maso dhicin
Hadal iyo dhamaantii
Iga baaji dhaawaca
Naftuna yaanay kuu
Dhiman
Hadaladad dhehaysiyo
Dhawaqaad ileedahay
Dhadhan keedu leyahay
Dhabaan kugu sheegee
Dhawahaanso inan
Yahay hadhibin naftaa-
doo inaan ahay nin
Dhaawacoo
Dhiban oo curyaanoo
Iyo inaan dhisaayo
Dhinacyada waxbar-
Ashada
Duruusta inaan dham-
Eeyoo midna aanu
Idhaafin oon aqoon
Dhankaan xigo maxad
Ugu dhawaaqday
Dhimbilada kalgacalada
Ood utiri dhurwaa iyo
Abees micidu dhertahay
Shabel baa idhaawacay
Bal aan dhowrno dhoor
Sano
Halka aad ku dhimatiyo
Caashaqu ku soodhigo
Kaa dheranimaayee